Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo dib u bilaabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dib u bilaabmayaan heerkii labaad ee wada-hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo ah guddiyo farsamo.

Wasiir Maxamuud ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay barta uu ku leeyahay Twitterka, wuxuu labada dhinac ugu  baaqay in la muujiyo samir iyo dulqaad, si wadahadaladu u guulaystaan.

“Dib u bilaabista wada hadalada heerka guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, Djibouti waxay diyaarinaysaa saaxadda wada hadalo guulaysta.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Waxaa muhiim ah in samir la yeesho, lana taxadiro, oo meesha laga saaro dhammaan caqabadaha dib u dhigi karaya geedi socodka.”

Wada-hadalada labada guddi farsamo ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dib u dhacay dhowr goor oo kala duwan, kadib markii ay codsatay in loo loogu dhigo DF Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this