Deeq A. Posted July 22, 2020 Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa goor-dhawayd soo gaadhay wefti ka socda Dowladda Itoobiya, Wefdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide, waxaana Garoonka diyaaradaha Hargeisal kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Intaas kadib waftiga Wasiir Axmed Shide ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Somaliland, iyagoo halkaas kulan kula qaadan doona Madax kala duwan oo ka tirsan Somaliland. Weli lama oga Ujeedka ay Hargeysa u yimaadeen weftigan ka socda Itoobiya, hayeeshee warara la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayna kala hadli doonaan Arrimo kala duwan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites