Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo xildhibaano kula kulmay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee ku matala Jubbaland.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog wareystay Xaalada guud ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmo Shirweyne

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this