Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo shaacisay inay diyaarado dagaal u soo direyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciiddanka Difaaca ee dalka Uganda (UPDF) waxay sheegeen inay Soomaaliya u soo diri doonaan diyaaradaha Helikop-tarada ee dagaalka, si ay taageeraan ciidankaa AMISOM.

Afhayeenka ciiddanka milatariga Uganda, Richard Karemire ayaa shaaciyey inay diyaaradahaasi loo adeegsan doono taageerida ciiddanka dhulka ee AMISOM marka ay fulinayaan howl-galladda ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Richard Karemire wax faahfaahin ah kama bixinin tirada diyaaradahaasi iyo xilliga la soo gaarsiin doono howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay muddo 8 sano kadib oo ay Uganda sheegto inay Soomaaliya u soo direyso diyaaradaha Helikop-tarada ee lagu dagaalamo.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 6,000 oo Askari, waana ciiddanka ugu tirada badan ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM, marka loo eego ciiddamadda kale ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Burundi, Kenya iyo Ethiopia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this