Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war ka soo saartay dagaal ay la gashay kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada daraawiishta maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ay kooxda Daacish shalay kula galeen buuraleyda gobolka Bari.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galka si gaar ah looga fuliyay deegaanada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Sida lagu sheegay warkan ka soo baxday Puntland waxaa dagaal ay ciidamadu la galeen dagaalyahanada Daacish lagu dilay illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu xusay in xubnaha la dilay ay ku jiraan saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Ajaaniib ah, inkastoo aan la shaacin magacyadooda.

 

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa maanta degan, balse weli ciidamada maamulka Puntland ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this