Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo ka jawaabtay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaali ah la geynayo Libya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed lagu biirinayo dagaalada ka socda Liibiya, Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawada ayaa beeniyay xilli uu wareysi siinayay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC-da.

Wasiirka wuxuu sheegay ineysan jirin wax ciidamo ah oo ay u dirayaan Libya, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay ineysan heysan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah.

Kaliya intaas kuma ekeynin wuxuu sidoo kale sheegay ineysan jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkey kuna saabsan in ciidamo Soomaali ah loo dirayo Libya, wuxuuna ku tilmaamay wararka la baahiyay dacaayad aan waxba ka jirin.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta dunida ay baahisay in dhalinyaro Soomaali ah lagu biirinayo dagaalka ka socda Libya ee looga soo horjeedo janaraal Khaliifa Haftar.

Dowladda Turkiga ayaa taageero xoog leh u muujineysa dowladda Libya oo caalamka uu aqoonsan yahay, waxeyna dhawaan geeyeen halkaas in ku dhaw 4,000 ciidamo calooshood u shaqeystayaal Siiriyaan ah si ay dagaalka u xoojiyaan, waxaana xogtaan baahiyay warbaahinta Mareykanka.

Si kastaba dagaalka ka socda Libya ayaa sii xoogeysanaya xilli Baarlamaanka Masar ay shalay ansixiyeen in ciidamo loo diro Libya, waxeyna garab u yahiin Janaralka loo taagta la’yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this