Deeq A. Posted July 22, 2020 Wararka laga helayo Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in weli ay ka socdaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyaga oo uga hadlayey xaalada siyaasadeed dalka. Shirarkan ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray arrimo la xiriira dhinaca doorashada iyo nooca ay noqoneyso oo uu is-mari waa xoogan ka taagan yahay. Illaa iyo hadda ma jiro natiijo wax ku ool ah oo ka soo baxday shirkaasi oo horudhac u ah furitaanka wejiga labaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah ayaa goob-joog ah, iyaga oo qeyb ka ah dadaallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac. Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli cadeyn xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka madaxda dowladda iyo kuwa mamul goboleedyada ee dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites