Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad badan oo loo xiray qal-qal gelina imtixaanka dugsiyada sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka waxbarashada Soomaaliuya, Cabdullahi Goodax Barre  ayaa si adag uga hadlay muuqaalo lagu baahiyey Internet-ka oo ku aadanaa imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso wasaaraddiisa, kuwaas oo uu sheegay inay ka dambeeyaamn siyaasiiyin

Goodax Barre ayaa sheegay in muuqaaladaasi ay yihiin kuwa been abuur ahi, islamarkaana loo xiray dad badan oo ku howlanaa sidii loo carqaladeyn lahaa imtixaanka dugsiyada sare.

Halkan hoose ka aqriso:

Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.

Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this