Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaraha ka dhashay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo gelinkii hore ee Shalay ka dhacay Degaanka Timirshe oo hoosyimaada Degmada Isku dhuban ee gobolka Bari kaas oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda Daacish.

Dagaalka aya yimid kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen goob ay isku urursanayeen kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleeyda Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo kooxdu ku dhuumaalaystaan.

Ilo wareedyo dhanka Ciidanka ah waxay Puntland Post u sheegeen in 8 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay Dagaalkii Shalay islamarkaana lagu burburiyay laba gaari oo ay wateen kooxda inkastoo ay ka gaabsadeen haddii uu jiro khasaare dhankooda gaaray.

Marka laga reebo Xogta ay Saraakiisha  bixiyaan waxaa adag in xog sugan laga helo Dagaallada dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish oo inta badan ka dhaca dhul Buuraley ah cidlaa.

PUNTLAND POST

The post Khasaraha ka dhashay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this