Deeq A. Posted July 22, 2020 Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Suudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa maanta lasoo taagay maxkamad, iyadoo maxkamadeyntiisu ay bilaabatay kadib markii lagu xiray Khartum. Madaxweynihii mudada dheer xukumayay Sudan ayaa waxa loo haysta dacwado kala duwan oo bini-aadantinimo, iyo weliba afgambigii uu talada dalkaasi kula wareegay sanadkii 1989-kii. Cumar Al-Bashiir ayaa inqilaab millateri kula wareegay talada dalka Suudaan, isagoona meesha ka tuuray dowlad si dimuquraadi ah loo soo doortay, midaasi oo uu maxkamadeynta wajahayo. Al-Bashiir ayaa wajahi doona xukun dil toogasho ah hadii ay si dhab ah ugu cadaato kiiska musuq-maasuq ee loo haysto iyo afgembigii uu dalka Sudan ku qabsaday, iyada oo ay baadi-goobeyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa sidoo kale waxa ku wehlin doona ilaa 16-qof oo kamid ahaa mas’uuliyiinta xukuumadiisi la riday 2019-kii. Millateriga Sudan ayaa bishii April ee sanadkii hore ku dhawaaqay inuu xilka ka tuuray Al-Bashiir, isagoona xabsiga dhigay, kadib isku soo baxyo waaweyn oo ay sameeynayeen dadweynaha dalkaasi. Share this post Link to post Share on other sites