Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo xildhibaanada Baarlamanka ku matala Jubaland ku marti qaaday Kulan looga tashanayo Masiirka Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Jubaland.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyga uu ka degganyahay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.

Xildhibaannada oo ay ku jiraan qaar ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iska xog wareystay xaaladda uu Dalka haatan marayo sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland waxa uu xildhibaannada ku marti qaaday in ay tagaan Jubaland si looga wada tashado Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka sida lagu xusay Qoraalkaas Madaxtooyada Jubaland.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo xildhibaanada Baarlamanka ku matala Jubaland ku marti qaaday Kulan looga tashanayo Masiirka Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this