Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Ow Cali.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilki  looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Ow Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.

Sababta xilka looga qaaday guddoomiye C/raxmaan Ow Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.

Bashiir oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyey  dowladda hoose ee Xamar.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this