Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka madasha xisbiyada qaran oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Afgooye ee Sh/ Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga Shabelle.

Shariif ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in si deg deg ah loo caawiyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu  sheegay in ay qeyb qaadan doonaan gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye, isaga oo ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii dadka uu sameeyay wabiga Shabelle ay u heli lahaayeen gargaar.

“Shacabka Afgooye waxaa saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle , waan in loo wada gurmadaa”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 oo Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Shirka looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay weli qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso tallaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this