Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaashii Hore Soomaaliya Sheekh Shariif Iyo Xasan Sheekh Ayaa Ku Baaqay In Gurmad Loo Fadiyo Dadka Fatahaadaha Ay Saameeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaato ba’an oo ay wajahayaan Qoysas badan oo ku nool deganada gobolada Shabbeelooyinka.

00000.MTS_.00_09_12_02.Still001-1024x576

Xasan Sheekh Maxamud waxa uu sheegay in xoogga la saaro sidii  gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaas Soomaaliyeed ee guryahooda uga cararay fataahadaha goboladaas ka jira.

 FATAHAADA-AFGOOYE-4.jpg

“Ma aha  in aan wax ka sugno Hay’ado ama  koox gaar ah ee waa in  aan isu gargaarnaa dhaxdeena ”sidaas waxa saaxafadda u sheegay Madaxwaynihii hore dalka Xasan Sheekh Maxamed.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG Shariif  Sheekh Axmed ayaa isagana codkiisa ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna sheegay in muhiim ay tahay in il gaar ah lagu hayo goobaha fatahaaduhu ay  ka jiraan.

00000.MTS_.00_03_57_11.Still002-1024x576

‘’Waa in la sameeyaa goobo loogu tala-galay gurmadka deg deg ah si marka masiibooyinka ay dhacaan jawaab deg deg ah loogu bixiyo’’ ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Hoggaamiyaha Madasha Qaran.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this