Deeq A. Posted July 21, 2020 Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar khasaare geystay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ugu yaaran hal qof aya ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo caruur ay ku jiraan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolkaasi. Inta badan waxaa Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro ay geystaan koox maleeshiyaad ah oo ku sugan gobolladaasi, kuwaas oo mararka qaar dagaalama. View the full article Share this post Link to post Share on other sites