Deeq A. Posted July 21, 2020 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xil kii looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Cali. Bishiir ayaa horay uga soo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena waxay walaalo yihiin guddoomiyaha xil ka laga qaaday, Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xilka ula wareego, islamarkaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites