Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey degmada Buurhakaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka howl-galladaasi uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax miino oo khasaare geystay uu ka dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha nool oo ku yaalla degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this