Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhisme ku soo dumay Xamarweyne oo dad badan laga soo bad-baadiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dhisme qadiimi ah oo ku soo dumay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dhismahan oo ka koobnaa saddex biyaano ayaa waxa uu ku soo dumay qoysaskii daganaa, iyadoona in muddo ah uu qaatay in laga soo bixiyo dadkaasi dhismaha hoostiisa.

Shaqaalaha gurmadia deg-degga ah ee gobolka Bamaadir iyo shacab fara badan ayaa u gurmaday dadka uu ku soo dumay dhismahaasi.

Ugu yaraan waxaa la soo bad-baadiyey illaa 17 qof oo ay ku jirto haweeney da’ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo tegay goobta ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay burburka dhismahaasi, wuxuuna sheegay in 5-ka mid ah dadka la soo bad-baadiyey ay qabaan dhaawacyo fudud, halka 12-ka kale laga saaray isbitaalka, kadib markii ay mareen hubin caafimaad.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sababta ku sheegay in dhismaha soo dumay uu saameeyey roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

“Roobabkii iska daba socday dartood waxaa dumay guri dabaq ah oo qadiimi ah, shacabka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda dowladda hoose waa ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan qoysaskii burburka ka hoos maray, taasi waxa ay kamid tahay khasaaraha ka dhasha roobka iyo in ay dumaan guryaha waqtiga dheer dhisan.”  ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan meelaha qaar ee halista ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this