Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Kenya Airways oo sheegtay in ay joojisay duulimaadyo toos ah oo ay ku tegi lahayd Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirkadda Kenya Airways oo sheegtay in ay joojisay duulimaadyo toos ah oo ay ku tegi lahayd Muqdisho
 2020720637308080767193742.jpg

Shirkadda caalamiga ah ee diyaaradaha Kenya Airways, oo sanadkaan la filayay in duulimaadyadeeda tooska ah ku tagto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee Muqdisho ayaa la joojiyay.

Ku simaha agaasime ku-xigeenka duulista hawada Karanja Ndegwa, ayaa sheegay in duullimaadyada Muqdisho la saaray hakin ilaa ay shirkaddu ka soo baxdo shuruudaha caymiska ee Maamulka Hawada Soomaaliya.

Qorshaha lagu bilaabayo duulimaadyada Muqdisho ma ahan macquul waqtigan sababtoo ah caymiska sidoo kale aad ayuu u sarreeyaa,”ayuu yiri Mr Ndegwa oo lahad layay Business Daily xili uu wareysi siinayay.

Ma uusan sheegin shuruudaha ceymiska dheeriga ah ee looga baahan yahay howlgaladooda Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this