Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo soo saartay warbixintii ugu dambeysay ee cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Cudurka Corona ka bogsadeen 5 Qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee Dadka ka ladnaaday ka dhigeysa 1,457.

Marwo, Fowziya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaaladoood oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, halka Qofka kalana uu joogo Muqdisho, taas oo tirada guud ee Dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,119.

Bukaannada cusub ayay Wasiiraddu ku sheegtay 6 Rag ah iyo Labo Dumar ah, mana jirto 24-kii Saac ee ugu dambeeyay Dad Soomaaliya gudaheeda ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this