Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo wiil dhalinyaro ah ku toogtay duleedka Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa barqadii maanta wiil dhalinyaro ah ku toogtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Catoosh Xaaji Cali ayey ciidamada u toogteen sabab aan ilaa iyo hadda la aqoon iyadoo askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday sida la sheegay.

Goobjoogayaasha ayaa Caasimadda Online u sheegay in mid ka mid ah askarta ilaalada ka haya dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye uu toogtay wiilka.

Ehelada wiilka ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilkooda, waxeyna kasoo qaateen meydka iyadoo aan wax faah-faahin ah laga bixin dhacdadaan.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhismaheeda dib loo bilaabay shalay kadib muddo lix bilood ah oo hakad la galiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this