Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
2-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena hadana ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021.

waxay Ururada Bulshadu muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this