Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo milatari ah oo Qaad waday iyo kuwa Boolis ah oo ku sugnaa koontarool ku yaalla degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkii waday Jaadka lagu dilay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen askar kale iyo dad shacab ah.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha magaalada Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this