Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Hubaysan oo weerar khasaaro badan,Dhimasho & Dhaawacba geestay ku qaaday Goob Mingiska ( Saar) lagu tumo oo ku taala Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Hubaysan oo weerar khasaaro badan,Dhimasho & Dhaawacba geestay ku qaaday Goob Mingiska ( Saar) lagu tumo oo ku taala Somalia

 mingis.jpg

Nin hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas xoogan ku furay goob mingiska lagu tumo oo kutaala Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay nin ku hubeysnaa qorayga AK-47 dadka qaarna sheegeen in uu ahaa askari ayaa rasaas ku furay goobta mingiska lagu tumo oo kutaala Xaafada Wardhiigley.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay labo qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-qof kuwaa oo la sheegay in qaarkood qabaan dhaawacyo culus loona qaaday xarumo caafimaad.

Ninka weerarka geestay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana goobta dadka shacabka lagu weeraray soo gaadhay ciidamo booliis ah oo bilaabay baadhitaano ku saabsan weerarkan iyo sababta keentay.

Booliiska ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha badan geestay , lamana oga ilaa hada sababta keentay weerarkaasi ninka hubeysan gaystay ku qaaday goob shacabka buuxeen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this