Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin hubeysan oo weeraray xarun lagu tumo mingiska oo ku taalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar uu goor dhow nin hubeysnaa ka geystay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Ninka weerarka fuliyey oo ku hubeysnaa qoray Ak47 ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu beegsaday xarun lagu tumo Mingiska oo ku taalla degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo haween u badan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninka weerarka fuliyey uu cabsanaa, islamarkaana uu baxsaday.

Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo hadda baaritaano ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this