Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shababa ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Somalia.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, islamarkaana ay geysteen khasaare u badan dhaawac.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 3 qof oo rayid ah, kana mid ah dadka degaanka.

“3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyeyaal ay Al-Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay IShabelle ayaa hseegay in hoobiyeyaashaasi ay ku dhimatay haweeney Xaamilo aheyd iyo kuna dhaawacmeen 3 kale.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this