Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Wafdi hordhac ah oo isugu jira howlwadeeno ka tirsan gobolka Banaadir iyo ilaalada gaarka ah ee Cumar Filish ayaa maanta gaaray magaaladaasi.

Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo beri Isniin ah ka furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirkan oo uu guddoomin doono madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this