Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo maanta ku kulmay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horreysay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii ay qaraxday xiisadda siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubaland.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo, ayaa yimid kadib dadaalo socday tan iyo xalay oo la doonayey in la isugu keeno labada dhinac.

Sida aan xogta ku helnay, kulanka ayaa waxaa kasoo shaqeeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha HirShabeelle Waare oo dadaal xooggan u galay sidii labada dhinac ay isku arki lahaayeen ka hor inta aanu furmin shirka guud.

Qoraal kooban oo Jubaland ay kasoo saartay kulanka ayaa lagu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.”

Waxey aheyd markii ugu horreysay oo ay labadaan masuul si fool ka fool ah isku hor fariistaan tan iyo markii dowladda dhexe ay waxba kama jiraan ku tilmaantay doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay ee ka dhacday Jubaland.

Waxyaabaha la filayo in Dhuusamareeb laga diiwaan galiyo waxaa ka mid ah in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe, taasi oo ah qeyb ka mid ah Caqabadaha ku horgudban furitaanka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this