Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Cabdi Mu’min oo ku guulaystay Xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
4-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Waxaa hadda soo dhammaaday wareegga Saddexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqda Aadana Puntland kaas  oo ay ku tartameen laba musharrax oo kala ah Maryan Axmed Cali iyo Siciid Cabdi Mu’min.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xil. Cawil Xassan Daad oo si rasmiya u shaaciyay Natiijada Doorashada ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka ku guulaystay Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min kadib markii uu helay 34 Cod.

Sidoo kale Maryan Axmed Cali oo kaalinta labaad gashay ayaa heshay 28 cod. Musharrixii saddexaad ee Doorashada ka qayb-galay Faysal Mahdi Cali wuxuu isna ku haray wareegii kowaad kadib markii uu helay 3 Cod oo keliya.

Wareegga u dambeeyay ee Doorashada waxaa codeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed warsame kadib markii ay codod is le’eg heleen labada musharrax ee isu soo haray.

PUNTLAND POST

The post Siciid Cabdi Mu’min oo ku guulaystay Xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this