Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Kowda Agoosto

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta  Xuska Kowda Agoosto, oo ku beegan Maalintii la aas’aasay Dowladda Puntland 1998-dii.

Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Xuska Kowda Agoosto, ayaa  loo magacaabay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan, sida ku cad Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Guddiga la magacaabay, oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ,waxaa sidoo kale xubno ka ah Wasiirka Haweenka Aaamina Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamed Cabdulqadir Cusmaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha  Maxamed Musadaq Maxamed.

Sidoo kale, waxaa xubno ka ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Gen. Cabdi Xassan Xuseen Cabdi Yare iyo Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdiweli Cali Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Kowda Agoosto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this