Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo ka hadlay qarixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in qaraxaasi lala eegtay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa oo dhacay xilli fiid hore ah.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada, kuwaas oo ay sheegataan dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this