Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho oo lala beegsaday wasiir ku-xigeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo Xaaji-Baasto.

Qaraxa ayaa ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay gaariga wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Saciid Muuse oo halkaas marayey.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirku uusan la socon gaariga xilliga qaraxaas lala beegsaday, waxaana ku dhaawacmay illaa afar qofood oo shacab ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Mudooyinkii dambe Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo intooda badan lala fiirsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabka ah.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this