Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabduklaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona wajiga labaad ee shirkii dhawaan madaxda shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb.

Madasha Dhuusamareeb waxaa ka maqan madaxweyne Axmed Madoobe oo booqasho ku jooga magaalada Cadaado kaas oo la filayo inuu caawa soo gaaro caasimadda, halka madaxweyne Deni la rajeynayo inuu berito soo gaaro.

Sawiro.jpg

Dhusa.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this