Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigaan oo hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha wasiirrada Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta wafdiga hordhaca ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug”

109592503_2852334124876566_5727011172214 109841947_2852334251543220_8251031424332 109844020_2852334261543219_4127691029404 109973795_2852334114876567_2296868942967 110313241_2852334378209874_6488519997521

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this