Deeq A. Posted July 18, 2020 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay webiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolkaasi. Webiga ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan Afgooye, waxaana ka bilowday barakac xoogan, sida uu Shabelle u sheegay guddoomiyaha degmadaasi, Ibraahim Qaasim Cumar. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhuu tilmaamay in webigu uu gaaray xaafado uusan weligiis ku fatihin oo ka tirsan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ibraahim Qaasim Cumar ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe, K/Galbeed iyo hay’adaha samafalka inay gurmad la soo gaaray dadka shacabka ah ee dhibaateysan. Xaaladda magaalada Afgooye ayaa haatan mid aad u cakiran, waxaana ay biyuhu gooyeen jidadkii magaalada oo dhan, sidoo kale xaafadaha ayaa kala xirmay, waxaana dadka shacabka ay haatan ay ku dhibaateysan deegaano duleedka ka ah degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites