Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo Bogaadisay, Baaqna ka soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dalalka iyo Ururrada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dhinaca Dimuqraadiyadda, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xisbiyada Siyaasadda Somaliland kala saxeexdeen 12kii Bishan July ee loogu diyaar garoobayo qabashada Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland sannad 2020ka gudihiisa.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay war murtiyeedka Beesha Caalamka, kaasi oo lagu sheegay in heshiiskaasi uu fursad u yahay qabanqaabada doorashooyinka, kaas oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku ay muddo 14 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa 12kii Bishan July ay ku soo gudbiyaan qorshahooda dhinaca farsamada ee lagama maarmasnka u ah Doorashooyinka.
Dalalka iyo Ururtada Somaliland ka saacida hannaanka Dimuqraadiyadu, waxa ay xuseen inay reer Somaliland oo dhammi qayb ka noqdaan, iyadoo inta ugu badan da’yarta dalka oo wiilal iyo haweenba leh aanay qaarkood waligood soo dooran Wakiilladooda ama ay fursad u heli doonaan in iyagaba la doorto.

Warmurtiyeedka beesha caalamka, waxa lagu iftiimiyey in doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanku ay muhiim u yihiin sumcadda Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo ay ku booriyeen Madaxweynaha, Xisbiyada, Baarlamaanka iyo Maxkamadda Sare in lagu daro qorshaha Doorashada qoondadii Haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay.

Ugu dambeyn, beesha Caalamku waxa ay si xoog leh u bogaadiyeen horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay kaalin ka geystaan nidaamka Doorashooyinka Somaliland oo ay ka mid tahay ilaalinta Kootada Haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay.

Dalalka war-saxaafadeedkan wadajirka u soo saaray, waxa ay kala ahaayeen
Belgium, Canada, Denmark, Djibouti, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska, Maraykanka iyo Qarammada Midoobay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this