Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan AMISOM oo ‘qarax lagu dilay’ iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee maalaha fog-fog laga hago ayaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Bunti lagula bartilmaameedsaday deegaanka Buurane.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan ay fureen ciidamada AMISOM, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lagu warramayaa in qaraxa lala eegtay ciidanka Burundi ee AMISOM ka tirsan inuu ka soo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa labo askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan.

Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi ka howl-gala gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this