Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo maanta ka billaabanaya dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
 Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka lagu wadaa in si rasmi ah looga  fariisto imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya kaas oo ay u fariisanayaan in ka badan 34-kun oo arday.

Ammaanka Xarumaha  imtixaanka lagu galayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo si gaar ah u ilaaliya amniga goobaha, sidoo kale kormeerayaal ka socda wasaaradda waxbarashada iyo iskuulada ayaa la geeyay xarumaha kuwaas oo loogu talogalay inay ilaaliyaan Imtixaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka sannadkii 6-aad oo xiriir ah kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sannadkaan wasaaradda waxbarashadu ay ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this