Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo war ka soo saartay geeridii Xasan Abshir Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudan Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Xasan Abshir Faarax oo aas Qaran loogu sameeyay Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yiri sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Walaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkiisaba, geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu duugay Garoowe.

Madaxweynuhu, magaciisa ka Xukuumadda iyo kan shacabka Jabuuti ayuu Eebbe uga baryayaa in uu Marxuumka ka dhigo marti la jecelyahay, ummadda iyo ehelkii uu ka baxayna Samir iyo Imaan Allaha ka siiyo.

Marxuum xasan abshir faarax ayaa kugeeriyooday dalka turkiga oo in muda ah uu kuxanuunsanayay waxaana ugu dambeen meytkiisa lakeena gudaha Somalia oo aas qaran loogusameeyay magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland.

Halkan hoose ka akhriso:-

1111

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this