Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa xaqiijiyay in xubnahaas lagu soo qabtay hawlgallo maalmihii la soo dhaafay ay Booliisku ka sameeyeen gudaha Magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah degmooyinka kale ee  Gobolka Bari.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in qaar kamid ah kooxda gacanta lagu soo dhigay xilli ay doonayeen in ay u gudbaan Buuraleyda Calmiskaad halka qaar kalena laga soo qabtay xaafado ku yaalla gudaha Boosaaso.

Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa wada hawlgallo xiriir ah oo lagu beegsanayo kooxaha Amni-darrada ka gaysan jiray Gobolka gaar ahaanna Magaalada Boosaaso waxaana marar kala duwan halkaasi lagu qabtay shabakado doonayay in weerarro ka fuliyaan.

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this