Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ka socota gudaha Dhuusamareeb, iyadoona meelaha muhiimka ah lagu dhajiyey sawirkiisa.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka waa weyn ee caasimadda maamulka Galmudug

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlada goboleedyada oo ka dhacaya halkaasi.

Shirkaan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this