Deeq A. Posted July 18, 2020 Ingiriiska oo Xayiraad Safar ku soo rogay Somalia Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadihii dhanka safarka ee ay ku joojisay Soomaaliya iyada oo muwaadiniinteeda ku boorisay inaysan u safrin Soomaaliya. Xafiiska Arimaha Dibada ee UK, ayaa kshaaciyey inaan Soomaaliya weli deganayn isla markaana ay Khatar ugu jirto weeraro argagixiso. UK, waxay kula talisay muwaadiniinteeda tegaya Hargeysa iyo Berbera inay feejignaadaan. “Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya’ iyagoo intaas ku daray inay jirto khatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka. In ka badan seddex sano oo hor leh ayay Uk kordhisay xayiraadaha dhanka safarka Soomaaliya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites