Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin dil wadareed ka geystay Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliska dagmada Gaalkacyoe ee gobalka Galmudug ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Aweys Cismaan Cabdi oo dil wadareed u geystay  5 Ruux  todobaadkii la soo dhaafay, duleedka magaalada Muqdisho.gaar ahaan deegaanka KM13.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug Gaashanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay soo qabashada eedeeysanaha isagoo xusay in dabagal dheer oo ay ku ogaadeen in xalay abaare 10-kii fiidnimo ama 4 saac uu soo galay Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aroornimadii saakay ay gacanta ku soo dhigeen isagoo dhanka kalena sheegay in sharciga la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee Ciidanka Booliska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada isagoo ugu baaqay shacabku inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo.

Sagaalkii bishaan ayaa deegaanka KM 13 ayaa waxaa uu dil wadareed ugu geystay qoys ka kooban shan ruux oo ay ka mid ahaayeen haweeney oo ay hore u kala tageen nin qabay, aabaheed iyo sidoo kale dad kale oo ka tirsan qoyska.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this