Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay ka dambaysay Colaad beeleedyadii ka dhacay gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   
FEERDI.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambaysay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Cayn, gaar ahaanna degaanka Horufadhi.

Wasiirka ayaa sheegay in dano siyaasadeed oo Somaliland ka leedahay Gobolka Cayn, ay mar kasta u adeegsato isku dirka beelaha wada dhashay, si ay colaad iyo nacayb uga dhex abuurto, islamarkaana u qabsato dhulkooda, maadaama inta beeluhu midaysan yihiin aysan Somaliland qabsan Karin degaannadooda.

Wasiir Jaamac wuxuu sheegay, in marar kala duwan oo hore ay dhacday, in Somaliland isku dirtay beelaha deggan SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in Ciidamo la kala dhex dhigayo beelaha dagaallamay.

Mar Wasiirka wax laga weydiiyay, tallaabada Puntland kala gudboon, haddii Somaliland dano siyaasadaysan isu’gu dirayso beelaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayuu ku jawaabay in mar kasta Puntland ka qayb-qaadato dib u heshiisiinta beelahaaasi.

Waxaase xusid mudan, in aysan jirin caddayn Wasiirku soo bandhigay oo muujinaysa in Somaliland ku lug leedahay colaadda beelaha ee ka dhacda gobollada SSC.

Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay in ay ka dambaysay Colaad beeleedyadii ka dhacay gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this