Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Shabeelle oo Fatahaad Ka Sameeyey Gobolka Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellah hoose, gaar ahaan degmada Afgooye iyo deegaano hoos taga.

Biyaha webiga ayaa gudaha u galay xaafadaha qaar ee degmada ku dhowaad 1500 guri ayaa reerihii deganaa isaga baxeen, kadib markii biyugu galeen,

Webiga ayaa sidoo kale  goobaha uu fatahaadda ka sameyey  waxaana ka mid ah sida weyna loogaa barakacay deegannada  Basra, Sabiid, Caanoole,Deg-Wariiri iyo qaar kale, oo ka tirsan gobolka.

ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed  ah oo ka dhashay fatahaadda webiga, laakiin dadka shacabka ayaa muujinayo baqdin ku aadan in fataahaddu gaadho goobo kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this