Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu laabtay gudaha magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu Garoowe uga qeyb-galay aaska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.

Qoor- Qoor ayaa qeyb ka noqon doono diyaar garowga loogu jiro soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi uga qeyb galaya shirka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirkan oo la filayo inuu qabsoomo maalmaha soo socda ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

FB_IMG_1594984215147 FB_IMG_1594984225244 FB_IMG_1594984222081 FB_IMG_1594984218374

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this