Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri oo Sabtiya gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo uu ka furmayo Shirka wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Wefdi hordhac u ah Socdaalka Madaxweynaha oo ay kamid yihiin Hawl-wadeennada Xafiiskiisa iyo Ilaaladiisa gaarka ah ayaa Shalay gaaray Dhuusamareeb si ay ugu gogol xaaraan soo dhoweyntiisa berry haddii Alle idmo.

Sidoo kale waxaa Maanta Dhuusamareeb dib ugu laabtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor halka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Garoowe ay Sabtida berriya ku laaban doonaan Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo Madaxweynahayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed cabdi Waare & Cabdicasiis Lafta Gareen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this