Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Buuloburte

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada millaterigga Soomaaliya ee degmada Buuloburte, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dadka ku nool degmada Buuloburte ayaa waxa ay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay, maadaama ay xilli habeen ah aheyd.

Wararka saaka laga helayo degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee ciidamada dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this