Deeq A. Posted July 17, 2020 Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeeyey laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Af-Barwaaqo ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ka soo wada jeeda dhinaca maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib dil nabadoon loogu geystay halkaasi, waxaana xigay weerar ay qaadeen mid ka mid ah maleeshiyaadka diriray oo ka carooday dilkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda saaka yare degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites