Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo raadinaya gabar laga afduubtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inuu baadi-goobayo gabar yar oo 14 sano jir ah oo uu talisku uu sheegay in laba cisho ka hor laga afduubtay degmada Howl-wadaag, gaar ahaan gudaha Suuqa Bakaaraha.

Taliyeku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa magaca gabadhaasi ku sheegtay Maryan Cabduqaadir Cali Nuur, kadib qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.

Sidoo kale waxa ay ka codsatay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho inay la raadiyaan gabadhaasi, wixii macluumaad ahna ay la soo wadaagaan Booliska.

“Waxaa la baadigoobaya MARYAN CABDULQADIR CALINUUR, 14 jir ah oo 2 cisho ka hor la tuhmaayo in laga afduubtay degmada Howlwadaag gaar ahaan suuqa Bakaaro agaarka Carwo Liimoon.Bulshada Soomaliyeed waxaa ka codsaneenaa inay nala baadigoobaan Maryan wixii maclumaad ah ku soo hagaan boliiska iyagoo wacaaya numberka 991.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda cida afduubatay gabadhaasi yar, sidoo kalena laguma shaacin warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho ku soo badanayey afduubka loo geysanayo ilmaha yar-yar, siiba gabdhaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this